Sunday, September 5, 2010

Puntland iyo Shabaab oo dagaal dhexmaray

.

 

 

 

 

Dagaallo xooggan ayaa saaka aroortii ka bilowday tuulada Karin oo qiyaastii 40km dhinaca koonfurta ka xigta Boosaaso, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerarreen saldhig ciidanka Puntland ay lahaayeen.

Dagaalkaasi oo labada dhinacba ay isku adeegsadeen hub culus ayaa la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.Shan askari oo katirsan ciidamada Puntland ayaa dhintay, iyadoo toddobo kale ay dhaawacmeen.

Boosaaso waxaa la sheegay in la keenay shan qof oo mayd ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-shabaab ee dagaalka kula jirtay ciidamada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dagaalku uu dhexmaray ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxo argagixiso ah, sida uu hadalka u dhigay.

Faroole ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah raggii duullaanka soo qaaday oo uu ku jiro nin magaciisa uu ku sheegay Jaamac Ismaaciil Ducaale oo uu sheegay inuu hogaaminayay kooxdii weerarka ku qaaday tuulada Karin.

Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyay in ninka la qabtay uu hadda ka hor weerar ku qaaday degmada Baargaal ee gobolka Bari isagoo uu wata ayuu yiri dagaalyahanno ajaanib ah.

Faroole, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka deriska ah inay maamulkiisa gacan ku siiyaan dagaalka uu kula jiro kooxaha ku soo duulay. Wuxuu ka digay in dagaalkan uusan ku ekaan doonin Puntland haddii aan laga hortegin.



Read More.

Speak Your Mind

Tell us what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!