Sunday, September 5, 2010

USA: Waan taageeraynaa ciidamo dheeraad ah

.

 

 

 

 

 

Hadal uu Johnnie Carson ka jeediyay shir-madaxeedka waddamada Midowga Africa, wuxuu sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab oo doonayo inay ridaan dawladda KMG ah.

Madaxda dalalka Africa ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Kampala, iyadoo qodobbada laga doodayo ay ugu weyn tahay xaaladda cakiran ee Somalia. Madaxda ayaa ku baaqaya in ciidamo ka socda waddamada Africa lagu biiriyo kuwa AMISOM.

Johnnie Carson wuxuu madaxda Africa u sheegay in Maraykanku diyaar la yahay taageero ciidan dheeraad ah oo lagu xoojinayo kuwa Midowga Afrika ee hadda Somalia ka hawl gala.

Read More.

Speak Your Mind

Tell us what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!