Sunday, September 5, 2010

DFKM iyo Xisbul-Islam oo Dagaal Dhexmaray

.

Labo qof oo rayid ah ayaa inta la ogyahay ku geeriyootay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqaymo maanta ka dhacay xaafaddo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa waxay dhexmareen ciidamada DFKMG ah oo garab ka helaya AMISOM iyo Ururka Xisbul Islaam, iyadoo hugunka rasaasta iyo madaafiicda ay isku ridayeen labada dhinac laga maqlayey inta badan deegaanada hoos yimaada degmada Hodan. Waxaa iyaguna jiray madaafiic habow ah oo ku dhacaysay goobo aad uga fog meelaha ay dirirtu ka dhacday.

Dagaalkan maanta ka dhacay dagmada Hodan ayaa ah kii ugu horeeyay ee muddooyinkan ka dhaca dagmadaasi, iyada oo dagaaladu ay beryihii u dambeeyey ku koobnaayeen degmooyin ka tirsan dhinaca Waqooyi ee magaalada Muqdisho.

 

 

Read More.

Speak Your Mind

Tell us what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!