Sunday, September 5, 2010

Wareysiga Madaxweynaha cusub ee Somaliland

.

Wareysigan khaaska ah ee madaxweyne Axmed Siilaanyo siiyay weriyaheena C/salaam Hereri daqiiqado kadib markii uu xilka la wareegay, wuxu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida nabadgelyada leh ee ay u dhacday xafladda xil-wareejinta.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu u mahadceliyay boggaaadiyay guddiga doorashada oo si habsami leh u maareeyay doorashadii madaxtinimada, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay dadka Somaliland sidii ay uga qeybgaleen doorashadaasi.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhisi doono xukuumadda cusub ee ay yeelanayso Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo isna wareysi kooban siiyay weriyaheena Sahra Ciidle Nuur ayaa ka warramay dareenkisa ku saabsan xilka uu kala wareegay madaxweyne-kuxigeenkii hore ee Somaliland.

Wareysiyada madaxweyne Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Seylici, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

 

 

Read More.

Speak Your Mind

Tell us what you're thinking...
and oh, if you want a pic to show with your comment, go get a gravatar!